Kooxo la sheegay in ay Dil ka geysteen Degmada Wadajir oo la soo qabtay

Muqdisho (KON) - Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Ammanka ay soo qateen Labo Nin oo horay degmada Wadajir ku Dilay Masuul ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Kooxo la sheegay in ay Dil ka geysteen Degmada Wadajir oo la soo qabtay

Waxa uu intaas ku daray Guddoomiye ku xigeenka Degmadda Wadajir in Kooxaha ay Gacanta ku soo dhigeen la marsiin doono Cadaaladda kadibna ciqaabta ay muteystaan la marsiin doono.

Hay’adaha Nabad Gelyada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Muddooyinkii dambe ay wadeen dadaallo xoogan oo ku aadan dabagal ay uga jiraan Kooxo fal liddi ku ah ammaanka ka geystay Magaalada Muqdisho.

Keydmedia.net