Kulamo wada tashi ah oo ka socda madaxtooyo

Muqdisho(Keydmedia) Xog hoose oo ay heshay warbaahinta Keydmedia ayaa tilmaameysa in R.wasaaraha dhawaantan helay codka kalsoonida Baarlamaanka Max’ed C/llaahi farmaajo uu wada tashiyo kula leeyahay xarunta madaxtooyada madaxda dowladda.
Warar Keydmedia Online
Kulamo wada tashi ah oo ka socda madaxtooyo

Wada tashiyada ayaa ah kuwa salka ku haya qaab dhismeedka Xukuumadda laga sugaya, oo isuguna kol hore sheegay in ay noqon doonto mid tayo iyo wax qabad leh.

R/wasaaraha ayaa wadatashiyo la leh Madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale kuwaa oo ay wada gurfeynayaan wadada ugu haboon oo lagu soo dhisi karo xukuumad waxtar leh.

Inkastoo R/wasaaraha uu leeyahay hami ah magacaabista xukuumad taya leh ayaa hadana dhanka kale waxaa ku gadaaman jawi aan hagaagsaneyn iyo mas’uuliyiin hankooda uu yahay xukuumadda danahooda in ay ka fushadaan.

WWW.keydmedia.net