Kulan lagu xallinayo Khilaafka Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo ka dhacay Garoowe

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku fashilantay isku day ay Axmed Madoobe kursiga Jubbaland uga riixi rabtay.

Warar Keydmedia Online
Kulan lagu xallinayo Khilaafka Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo ka dhacay Garoowe

GAROWE, Soomaaliya – Wasiiro katirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Garowe ee Xarunta Puntland ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaaladda.

Kulamadaan ayaa ahaa kuwa lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland oo in muddo ah taagnaa, waxaana la sheegayaa in kulamadaas ay hor u dhac u yihiin shirka Dhuusamareeb, oo la filayo inuu Farmaajo ka qeybgalo, islamarkaana la qorsheeyay is arkaan Axmed Madoobe.

Wasiirada Axmed Madoobe la kulmay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya, waxa ayna ka wadahadleen sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya dowlada federalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Inkastoo aan weli heshiis rasmi ah laga gaarin arinta Dowladda iyo dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa hadana dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka DF qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in la kulmay, haseyeeshee weli kala aragti duwaanishihii Siyaasadda sideeda tahay.

Magaalada Garoowe waxaa haatan kuwada sugan madaxweynayaasha Maamuladda Jubbaland, Galmudug, Puntalnd iyo wafdi heer Federaal ah, kuwaas u yimid ka qeyb galka Aaska Rai’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax.

Maanta gelinkii dambe ayaa la filayaa in ay u safraan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka furantahay gogosha shirka wada-tashi ee dowladda iyo dowlad goboleedyada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.