Kulan looga hadlayo waddooyin go’doonsan oo ka dhacay Bakool

Kulan ballaaran oo looga hadlayo waddooyin go'doonsan ayaa wuxuu ka dhacay gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur

Warar Keydmedia Online
Kulan looga hadlayo waddooyin go’doonsan oo ka dhacay Bakool

XUDUR, Soomaaliya - Kulanka looga hadlayo waddooyin ay go'doomiyeen kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maalin kahor soo gaaray magaalada, Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Mudane Aadan Abdinaasir Maxamed Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Siyaasada Mudane Aadan Maxamed Nuur (Soron-Soor) iyo Taliyaha Qeybta 60-aad CXD General Maxamed Shekh Cusmaan Ciirow.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa maalin kahor soo gaaray magaalada, waxaana safarka madaxweynaha uu daba socday bannaan bax xooggan oo ay sameeyeen dadka reer Xudur kuwaasoo ka codsaday dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed in ay ka qeyb qaataan sidii go'doonka ay uga bixi lahayd magaalada Xudur oo muddo ku sugan xaalad adag.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.