EXCLUSIVE: Kulan Guul Darro ku dhamaaday oo ka dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya

Muqdisho (KON) - Aqalka Madaxtooyadda Villa Somalia waxaa Xalay ka dhacay Shir kale oo looga hadlayay Khilaafka ka taagan Arrimaha Maamulka u samaynta Gobolada Galgaduud & Mudug.
Warar Keydmedia Online
EXCLUSIVE: Kulan Guul Darro ku dhamaaday oo ka dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya

Shirka oo ay Goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra'iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed & Xubno kamid ah Wasiiradda Xukuumadda, ayaa Ujeedkiisu waxa u ahaa Turxaan-bixinta & Xalinta Cawashada Beelo qaar oo dega Gobolada Dhexe.

Xildhibaan C/qaadir Maxa'ed Aadan (Sandheere) oo kasoo jeeda Beesha Shiikhaal ee kamidka ah Beelaha dega Gobollada Dhexe, ayaa Keydmedia Online u sheegay in Kulankii Xalay ka dhacay Madaxtooyadda uu noqday mid Fashil & Guul-darro kusoo dhamaaday.

"Aniga waxaa hogaaminayay Mas'uuliyiintii Beesha Shikhaal u matalaysay Shirkii Xalay ee Villa Somalia ka dhacay, Beesha aan matalo waxa ay Labo Todobaad kahor qaadacday / diiday sida loo qeybiyay Xubnaha Gudiga Maamul u samaynta Gobolada Dhexe, balse Xalay waxaan rajeynaynay in Madaxda Qaranka ay xaliyaan Sedbursiga la sameeyay & Cawashadeena, taasi oo aysan dhacin," ayuu yiri Xildhibaan Sandheere.

Xildhibaan Sandheere, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Beesha Shiikhaal ay kamid tahay Beelaha la dulmiyay, oo kasoo horjeestay Awood qeybsiga oo ay u arkaan in Wasiiradda Gudiga Hormuudka ka ah ay Beelahooda u Sad-buriyeen.

"Si Gaar ah ayaan ula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh & RW C/weli Sheekh Kulanka kahor, balse markii aan ku qanci waayay Hadalkooda ayaan ugu baaqay Beeshayda inay isaga baxdo Shirka, sababtoo ah wax Cusub oo ka duwan Go'aanadii hore looguma hadlay Kulanka," ayuu yiri Xildhibaan Sandheere.

Shirkii Xalay ee Villa Somalia waxaa ka qeybgalay Maamulada Galmudug, Ximan & Xeeb, Ahlu Sunna & Beelaha dega Galgaduud & Mudug, balse wax Natiijo ah ka soo bixin, ayuu yiri Xildhibaanka.

Wasiiradda Dulmiga Sad-bursiga ku sameeyay Xubnaha Gudiga Farmasada:

1) Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Warfaafinta DFS (Muransade), Gudoomiyaha Gudiga Farsamada.

2) Mahad Salaad ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS (Habar-Gidir/Cayr)

3) Wasiir ku xigeenka Boostada & Isgaarsiinta ee DFS, Axmed Cali Salaad Taako, (Mareexaan).

4) Ducaale Aadan Maxamed, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee DFS (Dirta Koonfureed/sure)

Wasiiradan kor ku xusan & Xafiiskiisyada RW & Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beelahooda ay degaan Gobolada Galgaduud & Mudug ayaa wada Qaska & Sad-bursiga Xubnaha Gudiga Farsamada ee Maamulka u dhisi doono Gobolada Galgaduud & Mudug, sida uu Xildhibaan Sandheere u sheegay KON. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/llahi Goodax Barre, oo u idmanaa howshatan ayaa waxaa lagu amray in uu faraha kala baxo Maamul u samaynta Gobolada Galgaduud & Mudug, waxaa amarkaasi siiyay Ra'iisul wasaaraha DFS C/weli Sheekh Axmed. 

Ra'iisul wasaaraha DFS C/weli Sheekh Axmed wuxuu sidoo kale ka saaray Shirka ka dhici doona Magaalada Cadaado & Gudigaba Beelaha Carab-Saalax & Leelkase, oo uu ku yiri „aada Puntland ayaada kamid tihiine“ 

Beelaha Shikhaal, Mareexaan, Carab Saalax &, Leelkase & Dirta Koonfureed ayaa salauugsan Qaabka Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaruhu ay doonayaan inay u maameeyaan Maamul u dhisidda Gobollada Dhexe. Waxaana soo baxeysa tuhunkii horey loo qabay oo ahaa in Shirkaan lagu lunsado 22 Malyan oo Dollarka Mareykanka ah. 

"Xarafkii Alif ka qaloocda, Al Baqro kuma tooso," waxaa sidaasi yiri Xildhibaan C/qaadir Maxa'ed Aadan (Sandheere), oo la hadlay KON, isagoo ugu baaqay Madaxda Sare ee DFS in ay saxaan Khaladka ka dhex jira Xubnaha Gudiga, kahor inta aan la aadin Magaalada Cadaado, oo lagu qaban doono Shirka Maamul u samaynta Gobolada Dhexe - Galgaduud & Mudug.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa siisay Gudiga Farsamada Mudo 45-Maalmood ( Hal Bil & Bar) inay ku soo dhisaan Maamul KMG ah oo ka shaqeeya Gobolada Galgaduud & Mudug oo wali Beelaha dega isku raacin, iyadoo xusid mudan tahay in Maamulka Puntland uu ka biyo diidan yahay Maamulka la samaynayo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho