Kulanka madasha aragti wadaad oo ka furmay Garoowe

Waxaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal si rasmi ah uga furmay kulanka madasha aragti wadaag Machadka Heritage, waxaana looga hadlayaa shirkan arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka.

Warar Keydmedia Online
Kulanka madasha aragti wadaad oo ka furmay Garoowe

Shirkan waxaa ka qeygalaya mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyeyaasha Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka, madaxda dowlad goboleedyada qaarkood, musharraxiinta madaxweyne qaar ka mid ah iyo mas'uuliyiin kale ayaa shirkan ka qeybgalaya.

Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loogu saarayo shirkan ayaa ah arrimaha doorashooyinka, dastuurka, ammaanka iyo arrimo kale oo dalka ah.

Shirkan ayaa lagu waday in uu shalay furmo, hase ahaatee waxa uu u baaqday sababo ku aaddan howlkii lagu qaban lahaa oo aad ciriiri u noqday, waxaana uu socon doonaa Saddex cisho.

Shirkaan ayaa sanadkiiba mar la qabtaa, waxaana lagu qaban jiray dalka Jabuuti, waana markii ugu horreysay oo Garoowe lagu qabanayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.