Kulankii Gollaha Shacabka oo dib loo dhigay

Waxaa baaqday kulankii Golaha Shacabka ee Birri loo ballansaanaa, kaas oo ay hareeyeen buuq iyo is qabqabsi la xariira ajandaha looga doodi lahaa Kulanka.

Warar Keydmedia Online
Kulankii Gollaha Shacabka oo dib loo dhigay

MUQDISHO, Soomaaliya – War ka soo baxay Guddoonka Baarlamaaka waqtigiisu dhamaaday ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay kulankii Maanta oo Isniin ah la qorsheeyay inuu qabsoomo.

Fariin gaaban oo loo diray Xildibaannada ayaa lagu yiri, “M.ne Xil. Shirkii Beri oo Isniin ah loo balansanaa waxaa dib loogu dhigey maalinta Arbacada oo tariikhdu tahay 31 March”.

Kadib kulan caawa dhex maray Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyo Madaxwynayaasha maamullada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koofur Galbeed, oo maanta la shiray dhinacyada ay Farmaajo is hayaan ayaa la sheegay in ay kala hadleen arrinta muddo kordhinta birri, waxaana dhawaan soo baxday waraaqda dib u dhigista Kulanka Baarlamanka.

Madaxda Dowladda Fadaraalka, Madaxda Maamul Gobolleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ay kulankoodii koobaad oo wada jir ah yeeshaan todobaadkan, markii ugu horreysay tan iyo bishii Febaraayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.