Kulankii Farmaajo, Axmed Madoobe iyo Deni oo baaqday

Kulanka ayaa lagu weday in uu xalay ka furmo magaalada Muqdisho, balse waxaa durbaba bilowday is faham waa u dhaxeeyo dhinacayada wada hadlaya. 

Warar Keydmedia Online
Kulankii Farmaajo, Axmed Madoobe iyo Deni oo baaqday

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xalay baaqday shirkii wada-tashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo lagu weday in ka furmo gudaha madaxtooyada Soomaaliya.

Macaaluumaad hoose ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in furitaanka shirkaan uu u xayiranyahay maamulka Jubbaland oo shuruudo adag miiska soo saaray, kuwaas oo aan horay uga mid aheyn waxyaabihii la isla ogaa.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku doodeyso in marka hore dowladda Soomaaliya gobolka Gedo ka saarto ciidamadii ay ku daabushay ama ajenddaha shirka lagu daro ka hadalka arintaas, islamarkaana go'aan laga gaaro, haddii taasi aanu dhicin Jubbaland ay shirka ka qeyb geli doonin.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe shaaciyay in kulanka Madaxwyene Farmaajo & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland uu furmi doono, isla markaana ay ka hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka balse wax walba ay is bedeleen markii wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ay shuruuda adag la yimaadeen.

Shalay gelinkii dambe waxaa kulan gaar ah qaatay Agaasimaha Hay'adda NISA Fahad Yaasiin iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana laga wada hadlay arinta ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, haseyeeshee waxaa muuqato in aan wax natiijo ah ka soo bixin kulankaas.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.