Kulankii Golaha Shacabka ee BJFS oo lagu kala dareeray

Waxaa gabi ahaanba lagu kala dareeray fadhigii Golaha Shacabka ee BJFS, kaddib markii uu buuq hareeyay kulanka, guddoonkiina uu isaga baxay.

Warar Keydmedia Online
Kulankii Golaha Shacabka ee BJFS oo lagu kala dareeray

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii ay maanta lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa gabi ahaanba istaagay, natiijo la'aan ayaana lagu kala fadhigii maanta ee looga hadli lahaa Caabuqa Covid-19, balse la qorsheynayay in muddo kororsi la hoos galiyo.

Fadhiga maanta ee Golaha Shacabka waxaa soo xaadiray inta badan Xildhibaanada Golaha waxaana Ajandaha kulanka oo sida la shaaciyay ahaa xaalada Xanuunka Covid-19, kaddib farriimo loo diray Xildhibaanada iyo sidoo kale Barta Facebook -ga ee Golaha Shacabka BJFS oo si muuqata loo soo dhigay.

Buuq ay sameynayeen xildhibaanda labada garab ee Muxaafidka iyo Mucaaradka isugu jira ayaa keenay guddoonka Golaha Shacabka uu isaga baxo fadhiga, waxaana muuqaal baahiyaha lagu arkayay Xildhibaano ku qeylinaya "Kuwa wax fowdeynaya waa afar xabo ee hala iska qabto, kulankana wuu furan yahay" hadalkaasoo ahaa mid fowdo ah lana arkayay sida ay u qeylinayeen gabdhaha xildhibaanada ah ee warbaahinta la hadlayay. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.