Kullane Jiis iyo Taliye Shub oo ku sugan Baydhabo

Cabdullaahi Kullane (Jiis) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ku sugan Magadaalada Baydhabo, si ay u maamulaan doorashada Aqalka Sare ee berri ka dhacaysa Koofur Galbeed.

Warar Keydmedia Online
Kullane Jiis iyo Taliye Shub oo ku sugan Baydhabo

Baydhabo, Soomaaliya - Sida ay caddeynayaan xogo muhiim ah oo ay heshay Keydmedia Online, waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koofur galbeed, caawa ku sugan Cabdullaahi Kullane (Jiis) oo dhawaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya ka xayuubiyay xilkii Agaasimihii Shaqaalaha Hay’adda NISA, kadib maarkii uu caqabd ku noqday socdaalka Gobolka Gedo.

Kullane (Jiis), oo Fahad Yasiin dhawaan u magacaabay xilka Kaaliye Sare oo dhinaca Sirdoonka & Amniga NISA ah, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa la soo sheegayaa in ay ku sugan yihiin Baydhabo, oo berri ay ka dhaceyso dooraashada shan kursi oo ka tirsan Barlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Kullane oo dadka qaar u yaqaanaan Jiis Mareexaan, ayaa ah gacan yaraha Fahad iyo saaxiib aad ugu dhow Farmaajo kuna heyb ah, waxaana Baydhabo loogu diray inuu hirgaliyo qorshaha Kooxda Madaxtooyada ku jirta ay ka damacsan tahay doorashooyinka berri ka billaabanaya magaalo madaxda gobolka Bay.

Labo ka mid ah musharixiinta berri ku baratameya kuraasta Aalka Sare, waxaa soddog u ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo sidoo kale aabe u ah xaaska Cabdicasiis Lafta-gareen, wuxuuna Baydhabo u tagay fududeynta boobka kuraasta ay u tartamayaaan musharixiinta qaba gabdhaha uu dhalay.

Arrintaan ayaa bannaanka keeneysa faragalinta xooggan oo Madaxtooyadu ku heyso dorashooyinka, Maamulka KG ayaana noqonaya Maamulkii 1-aad ee si aan gambad lahayn u soo sharraxa tartamayaal ka socoda Farmaajo, baratankana ka hor istaaga musharixiinta kale.

Cabdicasiis Lafta-Gareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka yaabisay, kadib markii uu kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maamulkaas, u xiray kaliya shaqsiyaad ay xidid, xigto iyo xabiib yihiin, isla-markaana uu ka reebay siyaasiyiinta miisaanka culus ee matala shacabka Bay iyo Bakool.

Lafta-Gareen, wuxuu tartanka ka reebay xubnaha Mucaaradka, oo ay kamid yihiin Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga Xasan Sheekh ee UPD iyo Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Sheekh Shariif ee Himilo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.