Kumuu ahaa Professor Gaandi?

Isla Jaamacaddan ayuu Shahaado labaad oo Ph.D. ka qaatay 1990, isagoo bartay taariikhda iyo ilbaxnimada qadiimiga ah, sida ku xusan diiwaanka taariikhdiisa, Gaandi wuxuu ahaa tiir ka baxay dalka.

Warar Keydmedia Online
Kumuu ahaa Professor Gaandi?

Professor Maxamed Cabdi Maxamed "Gaandi", wuxuu ahaa siyaasi Soomaaliyeed, qoraa, aqoonyahan meel sare ka gaarey cilmiga dhulka, kana qaatay Ph.D. 1983 Besançon University oo France ku taalla.

Isla Jaamacaddan ayuu Shahaado labaad oo Ph.D. ka qaatay 1990, isagoo bartay taariikhda iyo ilbaxnimada qadiimiga ah, sida ku xusan diiwaanka taariikhdiisa, Gaandi wuxuu ahaa tiir ka baxay dalka.

AUN Gaandi wuxuu qeyb muuqata ka qaatay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya tan iyo Shirkii Carta 2000, oo gudoomiye u noqday Guddigii farsamadda wadahadalladii nabadda dalka Jabuuti.

Wuxuu xubin ka noqday Baarlamaanadii 8aad iyo kan 10aad, isagoo 2009-2010 noqday Wasiirka difaaca Xukuumaddii KMG ee RW Cumar C/rashiid. 2014 waxaa loo magacaabey Safiirka Soomaaliya ee Canada.

Intii uu ahaa Wasiirka Difaaca 2009-2010, wuxuu ku qabtay Washington kulan uu isagu keenay Saraakiishii hore milateriga, Booliska iyo Sirdoonka oo ka hadlay dib u soo nooleynta Ciidanka qaranka.

Xoojinta awooda hay'adaha amniga ee Soomaaliya, wuxuu soo jeediyey 36 kun oo ciidan xoog leh oo uu hoggaaminayaan Saraakiisha millatarigii hore ee Soomaaliya si ay u soo nooleeyaan qarannimadii dalka.

Sanadkii 2011, Gaandi wuxuu aas-aasay maamulkii Azania oo Madaxweyne kahor inta uusan Axmed Madoobe qabsan Kismaayo dhamaadkii 2012, halkaasoo 2013 lagu aas-aasay maamulka Jubbaland.

Gaandi wuxuu la-taliye u noqday hay’adda QM leedahay, oo UNDP kamid tahay oo u noqday madaxa barnaaamijyadda.

Dhawaan wuxuu shaaciyay inuu yahay Musharax Madaxweyne, una tartami doono doorashadda fashilantay kadib markii mud-kordhin loo sameeyay Farmaajo April 12.

Agaasimaha Warbaahinta Keydmedia Online Cali Saciid Xassan iyo Shaqaalaheeda ku kala sugan dunida daafaheeda waxay tacsi tiiraanya leh hawada u marinayaan guud ahaan Ehaladii uu ka geeriyooday Marxuum Prof Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi.

Sidoo kale waxaan illahey Subxaanulwatacaala ah ka baryeenaa in Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumka Samar iyo Imaan ka siiyo, murugtaasnah Illahey ugu badalo Ajar iyo Xasanaad.

Innaalillaahi wa innaa Ilaahi Raajicuun

Gaandi 1949-2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.