Kumaandooska dalka oo lagu soo daray Shabaab isku reer yihiin Farmaajo

Macluumaad ay Keydmedia Online ka haleyso Ciidanka xoogga dalka & Nabadsugidda ayaa sheegaya in Kumandooska Soomaaliya lagu soo daray Shabaab ay isku reer yihiin Madaxweyne Farmaajo. 

Warar Keydmedia Online
Kumaandooska dalka oo lagu soo daray Shabaab isku reer yihiin Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya – Illo ku dhaw Ciidanka xoogga ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in 92 xubnood oo laga soo xareeyay Kooxda Al-Shabaab ah lagu xareeyay saldhig military oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa lagu tababaraya dhalinyaradan beesha Madaxweynaha kasoo jeeda Xerada Ceel-Saliini, oo qiyaastii 60-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho, sida ay illo-wareedyadu sheegeen.

Inta tababarka u socdo, waxuu qof kasta oo xaasle ah uu Farmaajo amray in la siiyo $300, halka midka Iskaabulada ah qaadanayo $50, waxaana markay tababartaan lagu darayaa Kumaandooska Soomaaliya.

Ma ahan wax qarsoodi ah in Farmaajo mudadii uu xukunka dalka haystay dalacsiiyay Saraakiil badan oo Mareexaan ah, isagoo tiro badan oo Al-Shabaab ah uu kusoo daray qeybaha kala duwan ee Ciidanka iyo Nabadsugidda dalka. 

Waa dhaqankii adeerkiisa Maxamed Siyaad Barre in Jeneraallo ka dhigi jiray Geel-jire, aan aqoon Ciidan iyo mid waxbarasho lahayn, waxaana qaraabo-kiilkaas iyo nin-jaclaysigaas horseeday dagaalkii sokeeye.

Macluumaadka ay Keydmedia Online haleyso, ayaa sheegaya inay jiraan dhalinyaro kale oo horey loogu tababaray Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo DANAB iyo GOR-GOR lagu biiriyay, iyagoo Al-Shabaab ah, welina feker argagaxisadda aaminsan.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa xoogga saaraya dhismaha Ciidan qabiil ku dhisan, oo iyaga ka amar qaata, wuxuuna qorshaha ay wadaan lagu tilmaamay mid ay ku doonayaan inay dalka ku qabsadaan.

Waxay dalka Eritrea u direen kumanaan dhalinyaro, oo si qarsoodi ah Muqdisho diyaarado looga qaadey xili habeen ah, waxaana qaar badan oo kamid ah lagu soo celiyay Caasimadda 6 bilood kadib, iyagoo kamid noqday NISA.

Ciidanka wuxuu noqdey mid u adeegga Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo lagu weeraro cid kasta oo kahor-timaada, sida in lagu caburiyo mucaaradka, Saxaafadda iyo in laagu afduubo doorashadda maamullada.

Maalmo kahor, Ciidanka Haramcad ee Turkiga uu tababaray ayaa rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ku furay shacab isagu soo baxay wadooyinka Muqdisho oo dhigayay dibadbaxyo iyo Kacdoon xukunka Farmaajo lagu diidan yahay.

Ciidanka waxaa sidoo kale la duldhigay guryaha ay degan yihiin Musharixiinta Mucaaradka, oo Farmaajo ka baqayo inay abaabulaan qorsho isaga xilka looga tuurayo, maadaama uu qaban waayay doorashadda.

Soomaaliya wuxuu Farmaajo ku wadaa jidkii ay ku burburtay 30 sano kahor, hadii aan la daba-qaban, waxay qarka u saaran tahay inay ku laabato meeshii ay ka timid, ee ah dagaal sokeeye, dil, boob iyo qax.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 5 August 2021 8:46

Derkeeley, waxa ay ka mid tahay degmooyinka la daalaa-dhaca dhibaatada jid la’aanta, nadaafad xumada iyo amni yarida, waxaana sida muuqada loogu sii daray boob iyadoo loo marayo magac dowladeed.