Kumuu ahaa qofkii fuliyay Qarixii Muqdisho?

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay sii wadi doonto weerarada inta ay xukunka ka tuureyso dowladda Soomaaliya, ee Caalamka aqoonsan yahay.

Warar Keydmedia Online
Kumuu ahaa qofkii fuliyay Qarixii Muqdisho?

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo is-miidaamiyihii isku qarxiyey Isgoyska Ceelgaab maalintii sabtida.

Waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Amiin Xaaji oo loo yaqaaney [Carafaat ama Farxaan], oo gudaha kooxda loogu yeeri jiray, waxayna da'diisu ahayd 20 sano jir, la xag-jireeyay.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Al-Shabaab kahor inta uusan is-qarxin ayuu ku sheegay inuuu mudo dhowr sano ah usoo dagaalamayay Kooxda, islamarkaana ugu dambeyn uu go'aansaday inuu is-qarxiyo.

Waxaa loo dhiibay Gaari nooca raaxadda oo ku xiran qarax, kaasoo uu ku fuliyay weerar Sabtidii meel u dhaw irida Villa Somalia, wuxuuna dilay ugu yaraan 9 qof oo isaga ku jiro.

Is-qarxiyaha ayaa kasoo jeeday Beesha SHABEELLE, gaar ahaan jufada Reer Geedow, wuxuuna ku dhashay sida uu sheegay gobolka Banaadir [Muqdisho], oo qaraxa ka fuliyay.

Hibaaq Abuukar, oo ahayd la-taliyaha Ra'iisul Wasaaraha dhanka arrimaha haweenka, hooyo iyo 2 carruur ah oo ay dhashay ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa is-miidaaminta.

Markii uu billowday Khilaafka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble, waxaa soo batay qaraxayada kadib markii la dacay amniga, lana joojiyay dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.