Kuraasta Baarlamaanka oo shaqsiyaad afduubay

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu jebiyay dastuurka, islamarkaana uu sameysanayo mudo korarsi aan sharci ahayn, taasoo laga digay in dalka u horseedo qalalaase siyaasadeed iyo fowdo. Gudiga doorashooyinka ayaa sabtidii ku dhawaaqay inaysan qaban karin doorasho sanadkan.

Warar Keydmedia Online
Kuraasta Baarlamaanka oo shaqsiyaad afduubay

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada BF ayaa ka shaqeynaya qorsho cusub, oo ay Kuraasta ay ku fadhiyaan ku geysan karaan degaan kasta, oo ay is leeyiiin waad kusoo bixi kartaan.

Waxaa la sheegay in Xildhibaanada qaar ay u wareejinayaan kuraastooda goob aan ahayn degaan doorashadoodii hore, si aan loogula tartamin.

Doorashadii ugu dambeysay ayaa waxaa hareeyay musuq-maasuq xoog leh, iyadoo hal kursi lagu iibsaday 3 milyan oo dollar.

Waxaa jira kuraas loo gaar yeelay inay gabar/haweeney oo kaliya u tartami karto, iyadoo taasi u diidayso qabiilada halka kursi lahaa in markasta gabar ugu fariisato.

Baarlamaanka 10-aad waa kii ugu wax-qabadka xumaa, uguna musuq-maasuqa badnaa doorashadiisii 2016.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.