Kuraasta loo ballansan yahay manta in lagu doorto Hirshabeelle

Jowhar ayaa maanta lagu qaban doonaa doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta dhiman, kursiga afaraad ayaa waxaa ka taagan is qabqabsi iyo muran xooggan. 

Warar Keydmedia Online
Kuraasta loo ballansan yahay manta in lagu doorto Hirshabeelle

JOWHAR, Soomaaliya- Magaalada Jowhar ayaa lagu wadaa maanta inay ka dhacdo doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle. 

Afar kursi ayaa hore lagu doortay Jowhar, kuwaas oo ay ku soo baxeen Muuse Suudi Yalaxow, Nuur Maxamed Geedi Canjeex, Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama iyo Dr. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle). 

Maanta ayaa lagu wadaa in Kursiga koowaad ay ku baratamaan musharraxiinta kala ah;
1- Cali Shacbaan Ibraahim. 2. Cabduqaadir Xanafi Sheekth Bashir. 3. Cabdullahi Axmed Tawaad. 4. Caasho Xuseen Abuukar. 5. Cabdalle Cabdi Xuseen.

Kursiga labaad waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah; 
1-Maxamed Smiin Sheekh Cismaan. 2-Daaha Muxidiin Sheekh Daa’uud. 3- Axmed Maxamed Cali”Afcadey.” 4-Yuusuf Macallin Xasan “Filadheere”

Waxaa ku tartamaya kursiga saddexaad;
1-Naciimo Ibraahim Yuusuf. 2-Zamzam Cabdulaahi Xuseen. 3-Maxamed Macalin Xasan Kulmiye. 4- Abuukar Xasan Cali Maqaney.

Hakadka ku yimid doorashada Hirshabeelle ka socota ayaa loo aaneynayaa is qabqabsi iyo faragelin la sheegay in lagu hayo kursi kamid ah kuraasta afarta ah ee ka dhiman Hirshabeelle dhammeystirkooda, waxaana jira khilaafh ku geedaaman doorashada, qaar kamid ah musharraxiinta oo ka gadoodsan habka ay wax u socdaan ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, balse guddiga doorashada Hirshabeelle oo loo gudbiyay cabashada xubno kamid ah musharraxiinta ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashada kursiga cabashada laga soo gudbiyay ilaa malinta Axadda ah.

Guddiga ayaana ugu baaqay musharraxiinta dib ugu laabtay Muqdisho inay si degdeg ah dib ugu soo laabtaan Hirshabeelle islamarkaana ay dhowraan waqtiga.

Doorashada ka dhacday Jowhar, waxa ay soo bandhigtay in afar sanno kaddib ay saaxadda doorashada ka soo gabagaboobeen Kooxda uu Fahad Yaasiin u taliyo ee Farmaajo hoggaamiyo, kuwaas oo ku guuldarreystay damacoodii ahaa inay soo saartaan kuwo guul wadayaal u ah.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.