Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Xildhibaanadii ku kulansanaa Hotel Jazeera ayaa ku dhawaaqay Kutlad cusub oo loogu magac daray Badbaado Qaran.
MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadii ku shirsanaa Hotel Jazeera ee ka tirsanaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay Kutlad loogu magac daray Badbaado Qaran.
Xildhibaanada ayaa diiddan gabi ahaanba soo jeedinta lagu wado berri ee kooxda farmaajo ay ku dooneyso in ay muddo xileedka kororsadaan, waxaana Xildhibaanadani ay go'aansadeen in ay ka hortagaan damaca Farmaajo ee loo soo dhiibay Ra'iisul Wasaare Rogana.
Khilaafka iyo kutlooyinka sameysmaya waxay billow u yihiin xaalad adag oo uu dalku galayo, waxaan xildhibaanada Badbaado Qaran la baxay ay ka hor imaan doonaan hadal jeedinta Ra'iisul Wasaaraha ee kulanka berri 100 ka maalin ee waxqabadka Xukuumaddiisa haddii uu ka baxo xeyndaabka khudbadaasi.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments