La kulan wasiirkii su’aasha ka cararay

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa diiday inuu ka jawaabo Su’aal la xariirtay dhalinyaradii dowladdu tababarka ugu qaadday dalka Eritrea, kadibna loo sii daabulay gudaha wadanka Itoobiya si ay uga qeyb qaataan dagaalkii ka dhanka ahaa TPLF-ta.

Warar Keydmedia Online
La kulan wasiirkii su’aasha ka cararay

MUQDISHO, Soomaaliya -  Wasiir Dubbe, ayaa maanta isugu yeeray warbaahinta si uu uga war bixiyo dagaalkii ka dhacay degmada Baled-Xaawo ee gobolka Gado, markii uu dhameeyay shirkiisa Jaraa’id ayuu Saxafiyiinta u ogolaaday in ay su’aalo weydiiyaan.

Mid ka mid ah wariyayaashii goobta ku sugnaa ayaa isku dayay in uu weydiiyo wasiirka su’aal ku saabsan halka ay ku sugan yihiin askarta maqan ee la sheegay in lagu laayay gudaha Itoobiya iyo walaaca waalidiinta ee isa soo taraya, hayeessee inta uusan wariyuhu dhameyn su’aasha ayuu goobta ka dhaqaaqay Wasiir Dubbe.

Arintaan ayaa u muuqata in dowladda uu Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo aysan diyaar u hayn in ay ka jawaabto su’aalaha la xariira dhalinyaradaan aan ruuxooda iyo raqdooda midna meel lagu sheegin.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta wuxuu hore u diiday inuu ka jawaabo waddanka tababarka loogu qaaaday dhalinyarada isagoo su’aashaas oo labo mar lagu celiyay si cad uga gaabsaday inuu ka war-celiyo.

Aamusnaanta Farmaajo, iyo su’aal ka cararidda Wasiirkiisa Warfaafinta waxa ay muujineysaa in ay wax weyn qarineyso dowladdu, isla markaana ay dooneyso in si fudud lagu hilmaayo dhacdadaan.

Tan iyo markii arintaan soo if-baxday dowladdu ugama aysan hadlin si daah furan in kastoo Wasiirka Warfaafinta, uu 19-kii bishaan sheegay in aysan jirin Askar Soomaaliyeed oo ku lug yeeshay dagaalka Itoobiya hadana ma uusan keenin wax caddeyn ah oo la xariirta nolosha dhalinyarada maqan.

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka ayaa todobaadkii hore codsi ay u direen Farmaajo, waxa ay kaga dalbadeen inuu aamusnaanta ka baxao oo uu ka jawaabo cabashada kasoo yeereysa waalidiinta Soomaaliyeed meelna loogu sheegin curuurtooda.

Hayeeshee, Farmaajo ayaan dhag jalaq u siin codsigaas ka yimid Goloha Shacabka, mana jirto wax jawaab ah uu ka bixiyay ilaaa hadda.

Dowaladda uu Farmaajo hoggaamiyaha ka yahay ayaa lagu bartay in ay dhacdaba dhacdo uga gudubto, waxayna dooneyso in ay xasarado xoogan ka abuurto gudaha waddanka si meel la isaga dhigo askartii lagu gumaaday gudaha Itoobiya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.