NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Laamaha ammaanka deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shir ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.
BAYDHABO, Soomaaliya - Magaalada Baydhabo waxaa lagu qabtay shir ku saabsan ammaanka goobaha loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo lagu wado in ay ka qabsoonto laba goobood oo katirsan Koonfur Galbeed.
Wasiirka amniga gudaha ee dowlad goboleedka KGS Isaaq Cali Subag ayaa shir isugu yeeray qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidamada Nabad sugidda, Booliska iyo Milatariga, waxaana shirka goob joog ka ahaa saraakiil ajaanib ah oo loo qorsheeyay in ay ka tala bixiyaan sugidda amniga goobaha doorashooyinka ay ka dhici doonaan toddobaad yada soo aadan.
Wasiir Isaaq ayaa kula dardaarmay laamaha amniga sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen ammaanka guud ee deegaanada hoos yimaada KGS gaar ahaan halka loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashooyinka la filayo toddobaadyada soo aadan in ay ka qabsoonto laba magaalo oo muhiim ah.
Laamaha amniga ee shirka soo xaadiray ayaa warbixin siiyay wasiirka iyo saraakiisha kale ee shirka joogtay, warbixintaas oo ku saabsan ammaanka guud ee deegaanada KGS gaar ahaan goobaha ay ka billaaban doonto doorashada Kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowladda Soomaaliya
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments