Laba Qof oo loo soo xiray Afduubkii loo geystay Xafsa

Laba qof oo mid kamida ay tahay Xafsa saaxiibteed iyo nin Kenyan ah ayey soo xireen ciidanka Booliska Kenya kuwaasoo la rumeysan yahay in ay qeyb ku lahaayeen Af-duubka gabar Soomaali ah oo dalka Kenya lagu afduubtay toddobaad ka hor

Warar Keydmedia Online
Laba Qof oo loo soo xiray Afduubkii loo geystay Xafsa

NAIROBI, Kenya - Waaxda dambi barista ee dalka Kenya ayaa soo xiray labo qof oo looga shakisanyahay inay ka dambeeyeen afduub dhawaan loo geystay gabar Soomali ah oo lagu magacaabo Xafso, taasoo ku nooleed xaafad kamida xaafadaha ay Soomaalida iyo Kenyaanku wada daggan yihiin.

Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ahayd gabar ganacsato ah da'deedana lagu qiyaasay 23 sano jir oo afduub loo haystay muddo shan maalmood ah ayaa sheegtay in saaxiibteed ay ka mid ahayd afduubayaasha. "Waxay ahayd saaxiibtay, in kasta aysan ahayn qof aan aad isugu dhownahay, laakiin iyada ayaa igu hoggaamisay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo ay ku yaallaan dukaankeeda kale,"ayay tiri Xafsa oo ka sheekeeneysay sida uu u dhacay falkii afduubka ee dhoorka maalin lagu haystay.

Ciidamada Booliska waddanka Kenya oo ku raad-joogay shakhsiyaad si aada loogu tuhunsanaa ayaa ku guuleystay maanta in ay gacanta kusoo dhigeen laba ruux oo mid kamida ay ahayd Xafsa saaxiibteed oo iyana lagu magacaabo Xafsa, iyo sidoo kale qof rag ah oo u dhashay waddanka Kenya. Muuqaallo ay duubtay Kaamirada loo yaqaan CCTV-da ayaa la arkayay Xafsa oo daba socota saaxiibteed una baaqday nin madow ah oo fadhiyay dukaanka ay kaamirada ku xirneed.

Xafsa ayaa sawirkeeda lagu baahiyay baraha ay bulshadu ku xiriirto, iyadoo sidoo kale lagu wargaliyay sawirrada Xafsa saldhigyada Booliska ee magaalada Nairobi, baaritaan dheer kaddib ciidamda ayaa ku dhawaaday goobtii ay ku xirneed Xafsa, taasina waxay sababtay in kooxdii Af-duubka geysatay ay isaga cararaan guriga, sidaas daraadeedna ay qasab noqotay in Xafsa ay qeyliso iyadoo ugu dambeyn caawinaad ka heshay qof shacab ahaa oo ku sugnaa guri ku dhawaa halka lagu hayay Xafsa, waxayna la xiriirtay Saldhigga Booliska oo ugu dambeyn kasoo badbaadiyay caag afka laga jaray oo lagu dhex riday Xafsa.

Eedeysanayaasha maanta ay ciidamadu soo qabteen ayaa la rumeysan yahay in ay ahaayeen dadkii falkan geystay. Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 jir ah ayaa saaka laga qabtay Hotel loo yaqaan Crystal View Lodge oo ku yaal nawaaxiga deegaanka Kinangop oo ay ku dhuumaaleysanayeen tan iyo maalintii ay kasoo baxsadeen goobtii ay ku haysteen Xafsa.

Boolisku waxay sheegeen lacag gaareysa 650,000 oo shilinka Kenya ah ay kala baxeen akoonada bangiga Xafsa intii ay u afduubnayd, iyagoo lacagtaasi si wada-jir ah ula baxay maadaama ay si qasab ah ku haysteen.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.