Laba shariif oo kulmay

Muqdisho (keydmedia) Waxaa maanta gudaha xarunta madaxtooyada kulan ku yeeshay madaxweyne Shariif iyo shariif Xasan Shiikh Aadan.
Warar Keydmedia Online
Laba shariif oo kulmay

Kulanka oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa ahaa mid albaabada ay u xiranyihiin isla markaana aad ay u koobneed xogta laga heli karo, laakiin waxaa la aaminsanyahay in ujeedada ugu weyn ee kulanka ay aheyd ka hadalka muran siyaasadeedka ku aadan R/wasaaraha cusub ee soo kala dhex galay labada Shariif.

Shaqsiyaad ka agdhaw labada shariif oo la hadlay keydmedia ayaa waxa ay sheegeen in kulanka uu dhamaaday iyadoo  natiijo rasmi ah la gaarin waxaana la naawilayaa in kulamo kale ay dib isugu soo laabtaan.

Xildhibaano ku sharay Muqdisho maanta oo uu ka mid yahay C/xaashi C/llaahi ayaa waxa ay sheegeen in Barrito iyaga oo aan ka laba labeyn ay kulan yeelan doonaan isla markaana ay ansixin doonaan R/wasaare Farmaajo.

Is jiidjiidka aan macanaha laheyn ee u dhaxeeya labada dhan ayaa waxaa xusid mudan in shacabka Soomaaliyeed ay macluul, gaajo iyo dhibaatooyin kale u dhimanayaan.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.