Labakacleynta Caabuqa Covid-19 ee Soomaaliya

Waxaa dib ugu soo laba kacleeyay caabuqa Covid19 ee adduunka oo dhan faro ba’an ku haya, si gaara dalka Soomaaliya ayuu si aada ugu soo laba kacleeyay iyadoo la diiwaan geliyay tiradii ugu badneed 48-dii saac ee lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Labakacleynta Caabuqa Covid-19 ee Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar oo ka la hadleysay taleefishinka qaranka Soomaaliyeed ayaa si kooban u faahfaahisay xaaladda guud ee caabuqa Covid19. Wasiiraddu waxay sheegtay in la galay xaalad halis ah, oo weliba ah tii ugu darreyd tan iyo intii uu dib usoo laba kacleeyay caabuqa halakeeyay adduunka oo dhan.

Wasiiraddu waxay tiri “48 -dii saac ee u dambeysay waxaa laga helay caabuqa Covid19. 304 qof oo Soomaaliya oo dhan ah, 147 kamida waa Gobolka Benaadir waana magaalada ugu badan ee laga helay Caabuqa, 8 qof oo kamida dadkaasi ayaa u geeriyootay xanuunka 48 dii saac ee lasoo dhaafay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiya ayaa dadka uga digtay in la sahlado xanuunka, waxay ku dhiirri galisay in afka la xirto, gobolka Benaadir si gaara ayey ula dardaarantay in la taxadaro, maadaama uu yahay halka ugu badan ee laga diiwaan geliyay xanuunka Corona Virus.

Oksijiinka magaalada laga heli karo aad ayuu ugu yaryahay magaalada Muqdisho sida ay sheegtay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsiyo. Waxay u mahadcelisay Jaamacadda SIMAD gaar ahaan Isbitaalkii Dr.Simit oo ay sheegtay in si wanaagsan ay howsha u socoto, inkastoo ay tirada sii kordheyso, Oksijiinkana uu yaryahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.