Labo qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Mahadaay

Miinadan ayaa loo maleynayaa in Al-shabaab halkaasi ku aaseen.

Warar Keydmedia Online
Labo qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Mahadaay

Qarax Miino ayaa maanta ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe, wuxuuna qaraxan geystay khasaare dhimasho ah.

Waxaa la sheegay in mooto ay saarnaayee dad shacab ah ay Miinadan kula qaraxday duleedka degmada Mahadaay, waxaana ku dhintay Labo qof oo mootadan saarnaa, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halka miinada ay ku qaraxday ayaa bilaabay baaritaanno, mana jirto cid ay arrintan usoo qabteen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.