Labo Haween Oo Somali Ah Oo Mantay Markale Maxkamad La Soo Taagay

Minneapolis (KeydMedia) - Labo Haween Oo Somali Ah Oo Mantay Markale Maxkamad La Soo Taagay Minneapolis - Amino Ali & Haawo Xasan oo in dhawale ah ba dacwad dhageesigooda ka socotay Maxkamad ku tala Minneapolis ka dib markii lagu soo edeeyay in ay tageero dhaqale u aruurin jireen Kooxda Al-Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Labo Haween Oo Somali Ah Oo Mantay Markale Maxkamad La Soo Taagay

Labadaan haween ee Somaliyeed ayaa lagu eedeeyay in ay u direen kooxda Al Shabaab lacag garesa $ 8,000 oo dolarka marekanka ah , balse labadan haween iyo dadka u doodaya ayaa ku an dacooday in lacagtasi ay u direen dadka tabalesan ee abaraha ba ani la dageen ee Somaliyeed, waloow ay gashanka ku dhifteen in aysan jirin wax lacag ah oo ay u direen Kooxda Al Shabaab.

Amino Ali ayaa dhawantan ayadu xabsiga loo taxabay kadib maxkamadan mantay oo isliina la qaday tii ka horesay kadib markii ay diiday in ay u istagto qaligii maxkamada ka hor inta aana dacwadaha dagesigooda la bilaabin, balse labo maalmood ka dib ayaa la soo dayay.

Sida Keydmedia.net soo gaartay waxaa jira baaris iyo dib u eegid lagu samesay tell phone ka Amino Cali lagana helay haweneedasi oo la hadleesa qar ka mida Kooxda Al Shabaab tasina horsedi karto in lagu fuliyo dacwada lagu soo eedeyay.

Dhanka kale waxaa jira banaanbaxyo ay Maxkamada horteeda ka dhigeen qaar ka mida Somaalida ku dhaqan Minneapolis oo tageersan labadan Haween oo eedesanayasha ah, kuna doodayay in labadan haween ay yihiin dad u istagay ama isku xil qamay sidii wax lagu aruurin lahaa dadka abaaruhu halakeeyeen ee gudaha Wadanka, balse aysan jirin arintan lagu soo eedeyay.

Ugu danbeentii Dacwadan lagu soo eedeyay Amino Ali & Hawo Hasan ayaa hadii lagu helo waxaa sura gal ah in lagu xukumo xabsi waqti dheer ah.

Keydmedia.net - Xafiiska Minneapolis