Laftagreen oo diidan in wax laga badalo Guddiga doorashooyinka

Laftagareen ayaa u muuqda mid aad u duraya musharraxiinta ku shirsan Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Laftagreen oo diidan in wax laga badalo Guddiga doorashooyinka

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku gacan sayray in wax laga bedalo xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer Federaal, kadib hadal uu ka jeediyey munaasabad lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay in musharraxiintan loo baahan yahay iney kalsooni isku qabaan, bedalkii ay bilaabi lahaayeen in ay wax walbo dhanka xumaanta ah ka eegaan.

Deegaannada maamulkiisa ayuu sheegay in doorashooyinka Labada aqal ay ka dhici doonaan, islamarkaana ku dhici doonaan si xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa dhanka kale sheegay in madaxda hadda shirsan ay dhammaatood horey usoo sameeyeen waxyaabo aan la jeclaysan, kana daran waxa ay hadda ka cabanayaan.

“Dadka shiraya ee diiddan Guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan waxa wanaagsan ee aan samaynayno dib ha u fiiriyaan waxay hore usoo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad hore u soo sameyseen" ayuu yiri Laftagareen.

Madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa dhammaatood siman wax ka bedalka guddiga doorashada heer Federaal oo ay ku jiraan saraakiil NISA ah iyo xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.