Lafta-Gareen oo gaaray Xudur

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaala madaxda Gobolka Bakool ee Xudur.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo gaaray Xudur

XUDUR, Soomaaliya - Socdaalka Lafta-Gareen ayaa lagu sheegay inuu la xariiro cabashada dadka shacabka ah ee ku dhaqan qeybo ka mid ah Bakool.

Sida Keydmedia hore u baahisay, xaaladda nololeed ee dadka ku sugan gobolka Bakool ayaa laga deyrinayaa iyadoo deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka gaar ahaan Xudur iyo deegaano kale oo hoos taga ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab.

KON, ayaa hore u tabisay in shacabka ku dhaqan deegaanada go’doonka ku jiru ayaa ku tiirsan waxa kasoo daga garoomada Diyaaradaha, maadaama aysan gali galin gaadiidkii badeecada u geyn lahaa rayadka.

Magaalada Xudur waxaa dhowaan ka dhacay bannaan bax wayn oo ay dadku kaga soo horjeedaan maamulka Laftagareen iyo kan Farmaajo, waxay ku Gar-naqsadeen in aan la tixgalin dadka ku nool magaaladan, waxayna codsanayeen in wax laga qabto xaaladaha kasii daraya ee Gobolka.

Dowladda Farmaajo ayaa tan iyo markii ay timid dhag jalaq u siin tabashooyinka Shacabka Bakool, waxayna ciidankii u gurman lahaa ku daad gureyneysaa Gobolka Gado.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.