Lafta-Gareen oo Galmudug gaaray

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ka dagay magaalada Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo shirka lagu wado inuu uga furmo madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo Galmudug gaaray

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa gaaray goor dhaw magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug si uu uga qeyb galo wada hadallada la filayo dhawaan in ay halkaas uga billowdaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee lagu soo dhaweeyo magaalada Dhuusamareeb, si uu ubillowdo shir muhiim ah oo ku saabsan doorashada Soomaaliya ee 2021 taasoo sida muuqata dib u dhacday waqtigii loo qorsheeyay, waxaana la filayaa in halkaasi lagu soo gabagabeeyo wada-hadallada dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa la filayaa madaxda kale ee ka qeyb galaysa shirka in ay gaaraan maanta, si uu ufurmo shirka oo dib uga dhacay maalintii uu furmi lahaa oo ku asteysan maanta oo ay bishu kow tahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.