Lafta-gareen oo magacaabay guddiga doorashooyinka maamulkiisa

Dowlad goboleedyada ayaa dib uga soo dhacay soo magacaabista guddigan.

Warar Keydmedia Online
Lafta-gareen oo magacaabay guddiga doorashooyinka maamulkiisa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta-gareen ayaa magacaabay guddiga doorashooyinka ee maamulkiisa.

Xubnaha guddigan ayaa ah 8, waxaana lagu soo daray Saddex haween ah, si loo buuxiyo qoondada haweenka ee siyaasadda dalka u leeyihiin.

Xubnahan uu magacaabay waxaa lagu dari doonaa Saddex xubin oo dhanka federaala ka imaan doona, maadaama heshiiskii doorashada uu sidaasi dhigayey.

Halkaan hooe ka akhriso wareegtada madaxweynaha K/galbeed.
 

Commenting is not available in this channel entry.