Ciidamo cusub oo tababar loosoo xiray

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa tababar usoo xiray ciidamo gaar ah oo kamid noqonaya kuwa dowlad goboleedka KGS.

Warar Keydmedia Online
Ciidamo cusub oo tababar loosoo xiray

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-green ayaa maanta ka qeyb galay tababar loo soo xirey cutub kamida ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyadoo ay tababarka bixinayeen saraakiisha AMISOM gaar ahaan qeybta Saddexaad ee ka howl gala degaannada maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay waajibaadkooda gutaan, qeybna ka noqdaan sugidda amniga degaannada KGS si looga xoreeyo kooxaha argagaxisada, waxa uuna kula ballamay in ay si hufan oo mas'uuliyad ku dheehantahay ugutaan waajibaadkooda.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale u mahad celiyay ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM oo bixinayay tababarka ciidamada cusub ee maanta loo soo gabagabeeyay tababarka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.