Lafta gareen oo weeraray qoyska wasiirka Haweenka XFS

Waxay tilmaamtay in kala duwanaansho siyaasadeed uu kala dhaxeeyay maalmahan Madaxweyne Lafta gareen, balse ma carabaabin khilaafkaasi, masuuliyadda wixii ka dhasha dhibaateynta qoyskeeda ayay sheegtay in uu qaadayo Cabdicasiis Lafta Gareen.

Warar Keydmedia Online
Lafta gareen oo weeraray qoyska wasiirka Haweenka XFS

MUQDISHO, Soomaaliya- Xaniifo Maxmed Ibraahim Xaabsade oo ah wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda federalka Soomaaliya, ayaa eedeyn kulul u jeedisay  Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed. Barteeda Facebook-ga ayay ku daabacday in qoyskeeda uu dhibaato ku hayo Lafta gareen, taas oo ay ku tilmaamtay mid aan la isaga dabahareyn.

‘‘Hooyaday macaan gurigeeda ayaa waxaa tagay ciidan isku sheega Nabad sugidda Koonfur galbeed, kuwaas oo watay labo gaari oo Cabdibile ah, si ay usoo xiran bilaa sabab, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa isku daygaas oo lagu waxyeeleyn rabay habaryartey.’’ ayay tiri wasiiradda.

Waxay tilmaamtay in kala duwanaansho siyaasadeed uu kala dhaxeeyay maalmahan Madaxweyne Lafta gareen, balse ma carabaabin khilaafkaasi, masuuliyadda wixii ka dhasha dhibaateynta qoyskeeda ayay sheegtay in uu qaadayo Cabdicasiis Lafta Gareen.

Dhanka kale Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim Xaabsade oo la dhashay Wasiirad Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade, ayaa isna baraha bulshada gaar ahaan Facebook ku daabacay hadal ka duwan tan walaashiis, isagoo beeniyay arrinkani inay wax ka jiraan.

Xaniifa iyo Cabdiweli ayaa waxaa dhalay Marxuum Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu waaweynaa ee Koonfur Galbeed.

KEYDMEDIA ONLINE 

 

 

 


 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.