Lafta-Gareen oo xilkii ka qaaday 3 Wasiir

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa xilkii ka qaaday saddex wasiir oo kamida golihiisa wasiirada.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo xilkii ka qaaday 3 Wasiir

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa xilkii ka qaaday saddex wasiir oo kamida golihiisa wasiirada, isagoo sidoo kale magacaabay saddex wasiir oo baddali doonta wasiirada la casilay.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday 3 wasiir oo kamida golaha wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirada Dhalinyarada iyo ciyaaraha, Dekeddaha iyo dastuurka Koonfur Galbeed ayaa xilalkii laga qaaday, Ibraahin Cali Adan ayaa loo magacaabay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha KGS, Cali Maxamed Cali ayaa isna loo magacaabay wasiirka Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka KGS. iyo Cumar Axmed Adan oo isna loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee KGS.

Isku shaandheynta wasiirada ayaa timid xilli lagu guda jiro u diyaar garow doorasho, iyadoo sida la aaminsan yahay ay qeyb ka tahay shaqkhsiyaad loogu gogol xaarayo in ay doorashada Xildhibaannimo kasoo muuqdaan kuwaasoo sida lagu baddali doona xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS kuwaasoo qeyb ahaan aysan kasoo wad muuqan karin dowlad goboleedka iyo DF maadaama hannaanka awood qeybsiga Soomaalida uu ku saleysan yahay Qabiil.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.