Laftagareen oo hal malyan oo dollar uga qasaartay Baladweyne

Hal malyal oo dollar, [1,000,000], waxa ay min boqol dollar u kala gaartay 10,000 oo qoys oo reer Bay iyo Bakool ah, kuwaas oo u baahan biyo ay dhuunta ku qooyaan xilligaan, waase nasiib-xumo hoggaan xooleysi iyo xatooyo u jog ah inuu u hayo hoggaanka.

News Keydmedia Online
Laftagareen oo hal malyan oo dollar uga qasaartay Baladweyne

BALADWEYENE, Soomaaliya – Xilli Guud ahaan Geeska Afrika, malaayiin qof ay wajahayan gaajo daran, taasoo ka dhalatay abaartii ugu darneyd ee gobolka ka dhacda muddo 40 sano ah, ayay haddan Soomaaliya ugu daran tahay.

Layaabka ayaase ah, in shaqsiyaadkii hoggaanka u hayay shacabka abaaraha daran saameeyeen, ay maalaayiin doollar, ku qarash gareynayaan boobka kuraas Baarlamaan, si ay u soo saaraan dad ay qaraabo, saaxiibo ama isku aragti yihiin.

Xilliyada abaarta, gobollada Bay iyo Bakool, ayaa ka nugul kuwa kale ee dalka, waxayna xilligaan la daalaa dhacayaan, biyo iyo baad yari daran oo waddanka oo dhan ka jirta, hayeeshee, Laftagareen ayaan middaas wax dan iyo dareen ah ka leheyn.

Tusaale, doorashadii Kursiga HOP063, ee ka dhacday Baladweyne, Laftagareen, wuxuu ku qasaariyay lacag dhan hal malyan oo dollar, si uu kursigaas ugu boobo, Maxamed Daahir oo dhanka hooyo ay walaalo ka yihiin, hayeesee kursiga ma aysan helin.

Hal malyal oo dollar, [1,000,000], waxa ay min boqol dollar u kala gaartay 10,000 oo qoys oo reer Bay iyo Bakool ah, kuwaas oo u baahan biyo ay dhuunta ku qooyaan xilligaan, waase nasiib-xumo hoggaan xooleysi iyo xatooyo u jog ah inuu u hayo hoggaanka.

Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad, ayaa ka mid ah dadka xaqiijiyay jiritaanka lacagtaas, wuxuuna is weydiiday inta qoys oo reer KGS ah ee ay  afur u noqon lahayd, haddii dadka masaakiinta ah la siin lahaa bisha Ramadaan.

“Waa arrin aad iyo aad looga xumaado in lacag ku dhow hal milyan oo doolar lagu bixiyo kursi degaan kale yaallo iyadoo degaannada Koonfur Galbeed ay dadka iyo duunyada u dhimanayaan biyo iyo baad la’aan abaarta darted”. Ayuu yiri Xuseen.

Dhawaan, waxaa soo baxay warbixinno sheegaya in Madaxweynaha Koofur galbeed, Cadicasiis Latagareen, uu in ka badan 10 malyan oo dollar ka sameeyay doorashooyinka baarlamaanka, taasoo hadda u taalla banki ku yaalla Istaanbuul.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.