Laftagareen oo Prof Iibbi ka tuuray daaqadda

Laftagareen ayaa daaqadda ka saaray, Prof Iibbi, oo 21 sano ku fadhiyay HOP230, kaas oo bilihii la soo dhaafay warbaahinta gaarka loo leeyay ka jeedinayay hadallo uu ku amaanayo Farmaajo, Fahad iyo Laftagareen, si uu kursi u helo.

News Keydmedia Online
Laftagareen oo Prof Iibbi ka tuuray daaqadda

BAYDHABO, Soomaaliya – Mid ka mid ah xubnihii baarlamaakii 10-aad ee shanti sano ee la soo dhaafay sida indho la’aanta ah u taageerayay Madaxweynihii hore Farmaajo, Prof Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim [Iibbi], ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu difaacan waayay kursiga uu ku fadhiyay tan iyo 2001.

Iibbi, wuxuu hambalyo hordhac ah u diray, Jaamac Taqal Cabbaas, oo ah nin dhallinyaro ah, kaas oo la filayo in khamiista 03/03/2022, lagu doorto magalada Baydhabo, kadib markii MW Koofur galbeed, Laftagareen, si cad, Iibbi, ugu sheegay in uusan u ahayn kursi Baarlamaan iyo shahaado tartan midna.

Kursigaan, waxaa sidoo kale, si weyn u raadiyay Xassan Cabdi Axmed [Xaseey] iyo Aadan Suldaan oo isku raas ah, kana soo jeeda Washaaqada Bakool, hayeeshee, kala doorashada Madaxweynaha maamulkaas ayaa meesha ka saartay musharixintaan, waxaana ugu danbeyn kursiga loo xiray Jaamac Taqal. 

Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aniga iyo walaalkey Xil. Jaamac Taqal Cabbaas aan isu hanbalyeynay, masuuliyaddana waa meerto, waxaana bixiya Allah Awooda Sare leh, dhamaantiin waan idin wada cafiyey idina walaalayaal dhamaantiin i soo cafiya Inshallah. Ayuu Prof Iibbi, ku yiri qoraal uu soo saaray.

Iibbi, waxaa lagu xasuustaa, qoraalkii uu ku dul qoray, muuqaal, la duubay dhamaadkii December 2021, kaas oo ah Farmaajo, oo inta jidadka oo dhan loo xiray kaliya gawiirida waftigiisu marayaan jidka Maka Al-mukarama, wuxuuna Iiibi socdaalkaas, ku tilmaamay mid lagu qori doono buugaagta sooyaalka.

U-jeedka qoraalkaas, ayuu Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ku macneeyay ihaano iyo is-dulleyn, lagu beer-laxawsanayo Farmaajo iyo Laftagareen, si kursi looga helo, wuxuuna xilligaas Prof Iibbi, xasuusiyay in xukunka Alle bixiyo ee kursga uu ka doonto beesha leh.

Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa meesha ka saaray, shaqsiyaad muddo ku soo jiray siyaasadda, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin, Professor Maxamed Cumar Dalxa, Professor Maxamed Sheekh Cismaan, [JAWAARI] iyo Professor Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim [IIbbi].

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.