Laftagareen oo si deg deg ah ugu laabtay Baydhabo

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’, ayaa safar hal cisho ah kadib dib ugu laabtay Baydhabo.

Warar Keydmedia Online
Laftagareen oo si deg deg ah ugu laabtay Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ oo Mugdisho ku sugnaa wax ka yar 20 Saacadod ayaa dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Sida ay Keydmedia Online hore u tabisay, Laftagareen ayaa shalay ka soo rawaxay magaalo madaxda KMG ah ee Koofur Galbeed, si uu kulan ula yeesho Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibada Qatar u qaabilsan La-dagaalanka Argagixisada iyo Dhex-dhexaadinta Khilaafaadka Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani.

Dr Mutlaq , ayaa si gooni gooni ah ula kulmay shalay Madaxweynayaasha Maamullada Galmudug, HirShabeelle iyo Kuufur Galbeed, waxayna ka wada hadleeen xal u helidda Arrimaha cakiran ee doorashooyinka.

“Waxaan kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee  wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada. Waxaana ka wadahadalnay xoojinta la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha  doorashooyinka dalka.” ayuu yiri Laftagareen.

Wafdiga Madaxweynaha KG, ee dib ugu laabtay Baydhabo, waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.