Lataliyihii Farmaajo oo laga helay 10 Baasaboor

Sirdoonka dowladda Jabuuti ayaa lagu waramayaa in ay baaritaan horudhac kadib heleen baasabooro kala duwan oo uu ku safrayay Fahad Yaasiin, oo horaantii asbuucii lasoo dhaafay Farmaajo u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka.

Warar Keydmedia Online
Lataliyihii Farmaajo oo laga helay 10 Baasaboor

Ilo-wareedyo Keydmedia ay la xiriirtay oo si gaar ah ula socday arrintan ayaa sheegaya in Fahad laga helay baasabooro iskugu jira dalalka soo socda:

  1. Jabuuti – Baasaboor caadi ah
  2. Itoobiyaan – Baasaboor caadi ah
  3. Itoobiyaan – Baasaboor diblomaasi ah
  4. Yemen – Baasaboor caadi ah
  5. Qatar – Baasaaboor caadi ah
  6. Qatar – Baasaboor diblomaasi ah
  7. Somali – Baasaboor diblomaasi ah
  8. Somali – Baasaboor diblomaasi ah
  9. Kenya – Baasaboor caadi ah
  10. Kenya – Baasaboor caadi ah
  11. Eritrea – Baasaboor diblomaasi ah

Arrintan ayaa lagu waramayaa in ay dambi tahay kudhex-wadashada dhalashooyin kala duwan gudaha dalka Jabuuti. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale walaac ka muujisay imaanshaha caasimadda ee horjoogihii hore ee hay’adda nabadsugidda.

Ciidamo taabacsan Fahad Yaasiin oo dharcad ah ayaa saakay lagu arkayay garoonka Aaddan Cadde ee magaaladda Muqdisho, kuwaas oo lagu sheegay in ay qeyb ka yihiin soo dhaweyntiisa, maadaama uu jiro kiiskii Ikraan Tahliil, oo haatan horyaala maxkamada ciidanka qalabka-sida.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.