Liiska Musharraxiinta Aqalka sare ee Somaaliland oo la shaaciyay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ka guddoomay, Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Warar Keydmedia Online
Liiska Musharraxiinta Aqalka sare ee Somaaliland oo la shaaciyay

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, u soo gudbiyay liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland).

Liiska soo baxay waxaa ugu horreeya Kursiga uu Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaligiis ayaana loo asteeyay, wuxuuna kursigaan noqon doonaa midka kaliya ee aan ugu yaraan labo musharax lagu qorin.

Cismaan Abokor Dubbe, oo ah Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa ku jira liiska soo baxay, halka uu sidoo kale qeyb ka yahay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran.

Kursiga 1aad

Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Kursiga 2aad

1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane)

2. Baashe Maxamed Ismaaciil

Kursiga 3aad

 1. Layla Axmed Ismaaciil

2. Maxamed Maxamuud Cabdi

Kursiga 4aad

1. Deeqa Xasan Xuseen

2. Hodan Abokor Xasan

Kursiga 5and

1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari

2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar

3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Kursiga 5and

1. Bilan Idiris Cabdilaahi

2. Saynab Axmed Boqore

Kursiga 7aad

1. Saalax Axmed Jaamac

2. Ibraahim iidle Saleebaan

Kursiga 8aad

1. Siciid Cabdi Xuseen

2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed

Kursiga 9aad

1. Cabdirisaaq Axmed Cali

2. Xasan Cabdi Gaas

3. Axmed Maxamed Siciid

Kursiga 10aad

1. Cismaan Abokor Dubbe

2. Cabdikariim Maxamed Xasan

Kursiga 11aad

1. Muna Cumar Xasan

2. Naciima Xasan Xanji Maxamuud (Gadhweyne)

3. Sucaad Xasan Maxamed

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.