“Lama aqbalayo inuu dalka sii xukumo Farmaajo 8-da February kadib”

Midowga Musharixiinta waxay sheegeen in 8-da Febuary marka la gaaro aysan aqbali doonin xukunka Farmaajo, iyagoo kasoo horjeestay mudo kordhin.

Warar Keydmedia Online
“Lama aqbalayo inuu dalka sii xukumo  Farmaajo 8-da February kadib”

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiinta Mucaaradka oo Shir Jaraa'id Maanta ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dalka uu galayo marxalad dowlad la'aan ah kadib markii Baarlamaanka uu waqtigiisa dhacay sanadkii hore, sidoo kalena midka Farmaajo 4 beri ka hartay.

Waxay sheegeen inay ku baaqayaan Shir loo dhan yahay inay dhamaan saamileyda siyaasadda isaga yimaadaan, oo go'aan wada ogol ah lagu sameeyo nidaam dalka lagu sii maamuli karo inta dowladda cusub laga dhisayo.

Musharixiinta waxay tilmaameen inay soo dhawaynayaan Shirka Dhuusamareeb, inkastoo aan loo dhaman oo iyaga iyo bulshadda rayidka ka maqan yihiin, kuwaasoo Farmaajo u diiday in lagu casuumo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.