Ma curin la’aan mise erey xumeyn?

Qaar kale, ayaa qaba in Farmaajo doonayo inuu suurad xumeeyo ereyga [Is-baddel doonka] kaasoo qeybtii hore lagu soo arkay doorashooyinkii Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda FS.

News Keydmedia Online
Ma curin la’aan mise erey xumeyn?

MUQDISHO, Soomaaliya – dadka Soomaaliyeed ee siyasadda u dhuun duleela ayay la-yaab ku noqotay, kadib  markii Farmaajo oo maanta daah-furay ololihiisa doorashada uu sheegay inuu is-baddel doon yahay, taasoo abuurtay dood xooggan.

Farmaajo, isaga ayaa shanti sano ee la soo dhaafay ku jiray xaafiiska ugu sarreeya dalka, waa muxaafid, waa maxay is-baddelka uu doonayo, ma in xaafiiska laga baddelo?, ayay is weydiinayaan shacabku.

Dadka ka hadlay arrinkaan, ayaa u kala qeybsan labo garab, qeyb waxa ay ku doodayaan in Farmaajo ay heyso curin la’aan, isla-markaana uu hayi raacay, dabeysa is-baddelka ee isaga ka dhanka ah.

Qaar kale, ayaa qaba in Farmaajo doonayo inuu suurad xumeeyo ereyga [Is-baddel doonka] kaasoo qeybtii hore lagu soo arkay doorashooyinkii Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda FS.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, oo ka mid ah dadka ka fal-celiyay, hal-ku-dhigga hadal heynta abuuray, ayaa yiri, “Farmaajo mar hadduu isbadal doon noqday 5 sano ka dib curin la’aan ayaa haysa ee amuu nagu qabsadaa [Qabyo qofkeedaa dhamaystira]”

Xildhibaan Mahad Salaad, ayaa isna yiri, “Shan sano kadib hadiiba Farmaajo uu maanta leeyahay ‘ISBEDDEL DOON AYAAN AHAY’, wallee waxaan hubaa GABOW MOOYEE IN UUSAN GARAAD U KORDHIN shantii sano ee uu Villa Soomaaliya joogay”.

Siyaasiyiinta is-baddel doonka ah ee mucaaradka ku ah Farmaajo, ayuu qorshahoodu yahay in doorashada Madaxweynuhu la mid noqoto, doorashooyinkii Golayaasha Baarlamaanka, kuwaas oo shaqsiyaad Farmaajo dhisayay ku soo jabeen

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.