“Ma jirto doorasho dhinac ka raran, mana jiri doonto mid bar-bar socota”

Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Don Yamamotto oo ku maqnaa fasax ayaa dib ugu soo laabtay xafiiskiisa, war kooban oo kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in aysan jiri doonin doorasho dhinac ka raran iyo mid bar-bar socon doonta doorashada dalka.

Warar Keydmedia Online
“Ma jirto doorasho dhinac ka raran, mana jiri doonto mid bar-bar socota”

MUQDISHO, Soomaaliya - Danjiraha dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maalmahan ku maqnaa fasax, isagoo dib ugu soo laabtay xafiiskiisa Muqdisho, Safiirka ayaa war kooban oo ka turjumaya danaha Mareykanka ee Soomaaliya kusoo qoray bogga rasmiga ah ee Safaaddu ku leedahay Twitter -ka.

Kaddib wadahadallo ay la yeelatay safaaraddu Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, RW hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Hoggaamiyaha xisbiga Gurmad Cabdinaasir Cabdille Maxamed iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka JFS Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa la isla gaaray baahida degdegga ah ee loo qabo tanaasul si loo suurtageliyo doorasho waqtigeeda ku dhacda, oo lagu kalsoonaan karo.

Safaaradda ugu xoogga badan safaaradaha ku yaal Soomaaliya ayaa si cad ugu sheegtay saamileyda isku fahmi la' danaha umadda Soomaaliyeed ee ay madaxda ka yihiin, waxaana loo sheegay go'aanka rasmiga ah ee Dowladda Mareykanka "Ma jirto doorasho kala dhimman oo hal dhinac ah, Mana jiri doonto doorashooyin is bar-bar socda iyo Qlalaase" ayaa lagu yiri, farriintan ayaa ku dhibci doonta kuwa doonaya waxa uu Mareykanku noo diiddan yahay!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.