Maamul goboleedyada garabka Farmaajo oo tageeray shirkii Garoowe

War murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxay ku soo dhoweeyeen shirkii wadatashiga Puntland iyo Jubbaland, iyagoo boggaadiyay inay talladooda ku biiriyaan habsami u socodkii iyo go'aamadii Shirkii Dhuusamareen 3.

Warar Keydmedia Online
Maamul goboleedyada garabka Farmaajo oo tageeray shirkii Garoowe

MUQDISHO, Soomaaliya - War murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxay ku soo dhoweeyeen shirkii wadatashiga Puntland iyo Jubbaland, iyagoo boggaadiyay inay talladooda ku biiriyaan habsami u socodkii iyo go'aamadii Shirkii Dhuusamareen 3.

Sidoo kale waxay soo dhaweeyeen shir ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Madaxdooda todobaadka soo socda tagaya Muqdisho, si loo dhammeeyo wixii is fahan darro ah ee jira, islamarkaana loo ambaqaado u diyaar garowga doorasho ku dhacda waqtigeeda.

Warka ka soo baxay Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa muujinayaa in aysan qeyb ka aheyn wada hadalka ay Muqdisho u imaanayaan Puntland iyo Jubbaland, balse uu yahay mid labadaas Dowlad Goboleed iyo Dowladda Federaalka u dhaxeeya.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa dhinacooda horey u sheegay in shirkii Dhuusamareeb 3 aysan cidna u metelin, islamarkaana uu ku koobnaa kaliya madaxii shirkaas qeyb gashay oo goa'aanka gaaray.

Todobaadka soo socdo gudihiisa ayaa la filayaa in ay Muqdisho soo gaaran madaxda Puntland iyo Jubbaland, iyagoona kulan la qaadan doono madaxweyne Farmaajo, waxaana imaashahooda uu ku soo aaday kadib cadaadis xooggan kala kulmeen Beesha Caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.