Maamulka Ankara oo cadaadis saaray soo galootiga

Dalka ay Soomaaalidu sida weyn ugu sii ququlayaan ee Turkiga ayaa billaabay cadaadis xooggan oo la saaray soo galootiga, Maamulka Ankara, ayaana go’aanno adag ka qaatay muhaajiriinta.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Ankara oo cadaadis saaray soo galootiga

ANKARA, Turkey - Kulan wadajir ah, uu Duqa Ankara (Guvernatooraha Ankara), Maamulka İmmigration-ka Ankara ( Ankara Göç İdaresi ) , Maamulka ciidanka Jandarmaha loo yaqaano iyo Cutubyada kala duwan ee ciidamada booliska ee hoos taga Wasaarada Arimaha Gudaha, ayaa isla qaatay go'aanno quseeya soo galootiga Ankara, kuwaas oo ay ka mid yihiin.

1. Laga bilaabo 2 September 2021, oo ku beegneyd shalay oo khamiis ah, in lajoojiyey diiwaangalinta Soo galootiga Caasimadda Ankara si kumeel gaar ah , lagana xiray dhamaan xudduudaha Ankara inay kasoo gudbaan.

2. Soo galootiga Suuriyanka ah ee deggan Ankara balse ka diwaan gashan gobolada kale ee Turkiga waxaa loo celin doonaa Gobolka ay ka diwaangashanyihiin ayadoo lasiin doono ogeysiis waajib ah in aysan ka tagin gobolkooda .

3. Dhismayaasha duuga ah ama laga haajirey ee ay deganyihiin Muhaajiriintu waxay saldhig utahay baa lagu yidhi warmurtiyeedka, DAROOGADA beledka lasoo galiyo sidaas darteed waaa laga saari doonaa ajaaniibtaaseeti , waana la dumin doonaa dhismayaashaas ayadoo loo diri doono soo galootigana gobolada ay ka diwaan gashanyihiin kuwooda sharciga leh .

4. Soo galootiga aan heesan sharci ay ku joogaan wadanka xabsiga ayaa loo dhaadhicin doonaa.

5. Goobaha shaqada ee ay leeyihiin Soo galootiga aan heesan ruqsada ama ogolaanshaha shaqada ayagana waxaa la dul dhigi doonaa noockasta oo cunaqabatayn sharciyeysan ah.

Ugu dambeyn bayaankaas qodob ka baxsan laakin quseeya mawduuca , aan raaciyo , xalayto ayaan ka daawanayey Tv-ga FOX-HABER wareysi uu la yeeshay hogaamiyaha mucaaradka Turkiga Kemal KILIÇDAROĞLU wuxuu yidhi “Kama careysnin, kamana soo horjeedno Soo galootiga soo galaya wadankenna Turkiga ee waxaan ka careysanahay , kana soo horjeednaa Siyaasiyiinta keenta ama u ogolaata muhaajiriinta halkaan, waxaan udiri doonaa soo galootiga wadamadooda markaan mucaarad ahaan ku guleysano Kursiga hoggaanka”.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.