Maamulka Canfarta oo xasuuq u geystay Soomaalida gobolka Sitti

Dagaalladan oo ah kuwo soo laalaabtay, ayaa salka ku haya gadood ka dhashay kadib markii maamulkii hore TPLF ay Gobolka Sitti hoos geeyeen maamulka Canfarta.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Canfarta oo xasuuq u geystay Soomaalida gobolka Sitti

DDS - Dagaal u dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed ee DDS kuna dhaqan deegaanka Garbo-ciise ee Gobolka Sitti iyo Ciidamada Ismaamulka Canfarta ayaa maalintii Afaraad ka socda Galbeedka gobolkaas, waxaana la soo warinayaa in xasuuq baahsan halkaas loogu geystay dad danyar ah.

Ku dhawaad 400 oo qof ayaa la dilay saddexdii maalin ee la soo dhaafay, sida ay sheegayan dad goob joogyaal ah, waxaana guud ahaan la bililiqeysatay magaalada Garbo-ciise, oo hadda gacan ku heynteeda la wareegeen ciidanka Canfarta.

Dagaalladan oo ah kuwo soo laalaabtay, ayaa salka ku haya gadood ka dhashay kadib markii maamulkii hore TPLF ay Gobolka Sitti hoos geeyeen maamulka Canfarta.

Maamulka Dowlad degaanka, ayaa ciidamo difaaca u dirtay magaalada Gonder oo dhacda waqooyiga Itoobiaya, si ay ula dagaalamaan ciidamada TPLF, hayeeshee, waxa ay indhaha ka dadanayaan xasuuqa shacabka degaanka ay ku yahaan maleeshiyaadka Canfarta ee maamulkoodu maalgaliyo.

Guud ahaan Qowmiyadaha Itoobiya ayaa u muuqda in ay madaxa isla galeen, waxaana dalkaas oo dhan ka holcaya dagaallo sokeeye, oo salka ku haya, xaalado siyaasadeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.