Maamulka Degmada Cadale Oo Baaraya macalimiintii lagu dilay Sh/dhexe

Maamulka degmada Cadale ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigi doonaan cid walbo oo ka dambeysay dilka macalimiinta ee saakay ka dhacay Sh/dhexe.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Degmada Cadale Oo Baaraya macalimiintii lagu dilay Sh/dhexe

Maamulka degmada Cadale ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaanka macalimiin dugsi qur'aan oo saakay lagu dilay deegaanka Koogaar oo qiyaastii 50-km u jira degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Cadale, Muuse Ganey oo wareysi siiyey qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid aad looga argagaxay.
Shanta macalin ee la dilay ayuu xaqiijiyey iney subac ku jireen xilliga falkan uu dhacayey.

Arrintan ayuu sheegay in ay salka ku hayso aano qabiil oo muddooyinkan soo jirtay.

"Aad ayaan uga xunnahay dhibaatadan dhacday, waana fal aad looga argagaxay, waana arrin qabiil, balse waxaan wadnaa dedaal xooggan oo aan baaritaan ku sameenayno macalimiintan la dilay" ayuu yiri guddoomiye Muuse Ganey.

Gobollada dalka qaarkood ayaa waxaa ka jira aanooyin la xiriira dhanka qabiilka, iyadoo aanay jirin dowlad isku howshay dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.