Galmudug oo ka hadashay weerarkii Hoobiyayaasha

Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saaray Hoobiyayaal lagu weeraray xalay magaalada Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Galmudug oo ka hadashay weerarkii Hoobiyayaasha

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Afhayeen u hadlay maamulka degmada Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Salaad ayaa sheegay in ay ka jawaabeen weerarkii xalay lagu soo qaaday magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo qaar kamida madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Taliyaha Guutada 15-aad Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo ka tirsan Qeybta 21-aad ee CXD Soomaaliyeed ayaa isna bartiisa Facebook -ga kusoo qoray in ciidamada xoogga dalka ay soo afjareen weerar ay geeysanayeen koox hoobiyayaal kusoo weerartey Dhuusamareeb, waxa uuna sheegay in kooxdii weerarka geysatay loogu tagay meeshii ay ku sugnaayeen, iyadoo qaarna ay baxsadeen qaarna lasoo qabtay.

Ma jiro cid warkaasi xaqiijin karta, ciidamada howl galkaasi sameeyayna weli ma aysan soo bandhigin ragga la laayay iyo kuwa lasoo qabtay. Inta badan weerarada nuucan oo kale ah ee ay geystaan kooxda Al-Shabaab ayaa ah weeraro ku-dhufo oo ka dhaqaaq! Mana jirto dagaal toos ah oo ay u diyaar garoobaan, magaalada Muqdisho ayey dhowr mar ka sameeyeen weerarada nuucan oo kale ah, Xeraada Xalane iyo madxtooyada Soomaaliya ayey tiro dhowr jeer oo hore sidan oo kale hoobiyayaal ugu garaaceen,

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan mas'uuliyiintii ugu sarreysay dalka, waxaana kamida madaxweynaha JFS Maxamed Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble, waxaana la filayaa in uu maanta ka furmo shirkii wada-hadallada doorashooyinka ee dowladd dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.