Maamulka Hiiraan oo kala dhex-galay beello dagaallamay

Beelahan ayaa dagaalkoodu wuxuu la xiriiray dhul daaqsin ah.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Hiiraan oo kala dhex-galay beello dagaallamay

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta kala dhex-galay beello shalay ku dagaallamay deegaanka Shiir Kaneeco oo qiyaastii 20-km dhanka waqooyi uga beegan magaalada B/weyne.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda maamulka Hiiraan, Abuukar Sheekh C/laahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta halkaasi gaaray, waxaana lagu guueystay in la kala qaado maleeshiyaadkii dagaallamay, sidoo kalena wadahadal loo furo waxgaradka Labada dhinac.

Dagaalkii shalay ka dhacay deegaankan waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.