Maamulka Puntland oo ka jawabay eed loo jeediyay

Maamulka Puntland ayaa iska fogeeyay eedeyn kulul oo ay u jeediyeen qaar ka mid ah ehellada siddeed dhallinyaro ah oo dhawaan uu maamulkaas ku xukumaday dil toogasho ah.

Warar Keydmedia Online
Maamulka Puntland oo ka jawabay eed loo jeediyay

GAALKACYO, Soomaaliya - Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka jawaabtay eed ay u jeediyeen ehellada qaar ka mid ah Siddeed dhallinyaro ah oo Maamulka Gaalkacyo ku xukumay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug dhanka Puntland, Cabdiladhiif Muuse Sanyare, ayaa sheegay in raga xukunsanayaasha ah ay 2012-kii Gaalkacyo tageen, isla-markaana ay ka shaqynayeen kawaanno ay Kooxda Al-Shabaabb u furtay.

Ehellada cabashada muujiyay ayuu ku eedeeyay in ay carruurtooda dacayeen, wuxuuna mar kale ku celiyay in marnaba aysan Puntland sii deyn doonin ragga lagu helay danbiyada ay dilalku ugu weynyihiin ee qaarkood qirtay in ay Koofurta Gaalkacyo in muddo ah ku leynayeen wax-garadka bulshada.

“Maalmahaan waxaan arkayay qolyo Muqdisho ka leh, wiilal ayaa nala ka maxakamadeynayaa, wiilka marka hore maad ceshatid?, raga la maxakamadeynayo, Al-Shabaab ayaa kawaanno u furay dadka laaya iyaga ayaa yiri, bastooladahana u gaday”. Ayuu yiri Sanyare.

Bannanbaxyo, looga soo horjeedo go’aanka Puntland ayaa maalmihii tagay ka dhacay Caasimadda, ehellada dhallinyarada xukunsanyaasha ah ayaana codsanaya in dhallinyaradooda loo soo wareejiyo Muqdisho.

Sida ay ogaatay Keydmedia Online, arrinta qaar ka mid ah sideedda dhalinyaradaha ah ayaa gaartay meel sare, waxaana loo gudbiyay ilaa xaafiska Madaxwynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, Xildhibannada labada Aqal ee Baarlamaanka ku matala maamulkaas iyo xaafiisyo kale oo uu ka mid ah midka Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

27-kii bishii hore, ayay ahayd markii toogasho wadareed uu maamulka Puntland ku fuliyay 21 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka Al-Shabaab dhankoodu ay isla Maalmahaas Gobollada Bay, J/dhexe iyo Sh/hoose, qudha uga jareen ku dhawaad 30 ruux oo ay basaasiin ku tilmaameen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.