Maamulka dekadda Muqdisho “Cidna ma hakin karto shaqada dekadda”

Muqdisho(keydmedia) Maariye ku xigeenka dekadda Magaalada Muqdisho Axmed Cabdi kaahiye ayaa sheegay in aanu awood u laheyn xanibaada howlaha shaqo ee dekadda shaqsi aan ka tirsaneen hey’adaha ammaanka ku shaqada leh.
Warar Keydmedia Online
Maamulka dekadda Muqdisho “Cidna ma hakin karto shaqada dekadda”

Kaahiye ayaa xusay in afaafka dekadda ay wax yar ka dhaceen, laakiin aanu jirin wax kale oo ka dhacay gudaha dekadda, waxaana mar uu soo hadal qaaday eedeenta musuqa la xiriirta ee ka soo baxday xildhibaan Furux  ayaa waxa uu sheegay Kaahiye in aanu xildhibaan shaqa ku laheyn qaab xisaabeedka dekadda.

“lama hadleyno furux hadalna nagama dhaxeeyo waayo xaqba uma laha xildhibaan inuu qaab maamulka maaliyadeed ee dekadda wax ka sheego arinkaasna waxaa u xilsaaran dad gaar ah” sidaa waxaa yiri Axmed Cabdi kaahiye.

Maamulka dekadda Muqdisho ayaa isbadal lagu sameeyay 1 September ee sanadkan waxaana maareeyaha dekadda loo magacaabay Sayid Cali Macalin C/lle, waxaana la sheegay in isbadalka maamul ee dekadda xiligaas lagu sameeyay uu horudhac u ahaa qorsha maamulka dekadda lagula wareejinayay shirkad Maraykan ah oo lagu magacaabo SKA.

 www.keydmedia.net