Galmudug oo soo dhaweesay Magacaabidda Ra’isulwasaaraha Cusub

Gaalkacyo (KON) - Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyay Ra’isulwasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” sheegeenah iney la shaqeyn doonaan Xukuumada Cusub.
Warar Keydmedia Online
Galmudug oo soo dhaweesay Magacaabidda Ra’isulwasaaraha Cusub

Magaalooyinka laga soo dhaweeyay Maamulka Barwaaqo ee Afbarwaawo, Hobyo, Budbud, Wisil iyo Degaamo kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug State.

Waxeyna Dadku ku dhawaaqayen inuu R/wasaarah Dr. Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” uu noqdo mid ummada Soomaaliyeed u horseeda Nabad, Cadaalad iyo Horumar maadaama R/wasaarihii ka horeeyay (C/weli Gaas) uu u daneeyay Juffadiisa. Waa sidee sheegeen Dadka isku soo baxay.

"Hadaanu nahay Cuqaasha Reer Galmudug, Culumaa'udiinka Reer Galmudug, Aqoonyahanka Reer Galmudug, Dumarka iyo Ragga Reer Galmudug waxey si buuxda u taageerayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Dr. Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” Guul iyo Gobonimo baa u Rajeyneynaa dhamaan Ummada Soomaaliya" Sidaas waxaa yiri Suldaan Muxiyadiin Xasan Cilmi Fagaas.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) ugu hambalyeeyey xilka loo magacaabay waxaana uu xusay in Galmudug ay maamul iyo shacab si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonaan Ra’isulwasaaraha cusub.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.