Maamulka Gobalka Banadir oo sheegay inuu xoojinayo Nadaafada gobalka

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Maamulka Gobalka Banaadir ayaa kadib booqasho ay ku tageen suuq weyn ee BAKAARAHA waxa ay sheegeen in ay isku taagayaan howlaha faya dhowrka ah.
Warar Keydmedia Online
Maamulka Gobalka Banadir oo sheegay inuu xoojinayo Nadaafada gobalka

Cabdulaahi Cartan oo ah agaasimaha guud ee dowlada hoose ayaa waxa uu sheegay inay sii wadayaan ololaha nadaafada ee lagu soo celinayo bilicda suuqa bakaaraha iyo degmooyinka kale.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay furayaan wadooyinka waaweyn ee soo gala suuqaasi waxaana uu ka codsaday dadka goobaha ganacsiga sharci darada ku leh hareeraha wadooyinka inay ka qaadaan ganacsigooda wadooyinka  soo gala kana baxa Suuqa weyn ee bakaaraha.

Cabdulaahi Cartan ayaa ugu baaqay ganacsatada suuqa inay kala shaqeeyaan soo celinta nadaafada Gobalka gaar ahaan suuqa weyn ee bakaaraha.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka Gobalka Banaadir uu balan qaaday degmadii ku guuleysataa nadaafada in la siin doono 5000 oo doolar.

Arintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xoghayaha maamulka banaadir uu muddo 48 saac u qabtay ganacsatada  ku ganacsada hareeraha wadooyinka suuqa bakaaraha.

WWW.KEYDMEDIA.NET