Maamulka Gobalka “Gole Deegaan ma aqoonsanin”

Iyadoo ay jirtay qeyla dhaan ay muujinayaan golaha deegaanka Xamar oo ku aadan qaab dhismeedka maamulka Gobalka Banaadir ayaa hadana maamulka waxa uu ka dhawaajiyay in aanu aqoonsaneen gole deegaan.
Warar Keydmedia Online
Maamulka Gobalka “Gole Deegaan ma aqoonsanin”

"Ma aqoonsinin wax la yiraahdo gole deegaan oo xiligan ka jira gobalka Banaadir, xiligoodii mar hore ayuu dhamaaday waxyana ku ekaayeen xiligii xukuumadii Nuur Cadde, hadana maamulka gobalka ayaa qorsheynaya dhismaha gole deegaan oo degmooyinka ka kale imaan doona" sidaa waxaa yiri C/kaafi Hilowle cismaan oo ah xoghayaha maamulka Gobalka Banaadir.

Hadalka ka soo yeeray xogyaha Gobalka ayaa waxa uu imaanayaa xili ay xildhibaanada golaha deegaanka  ay ku doodayaan in Madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha ay liideen isla markaana ay Max'ud Axmed tarsan u aqoonsan yihiin kaliya gudoomiyaha Gobalka ayna soo magacaabi doonaan duqa Muqdisho.

Inta badan is heysadka ceynkan oo kale ah ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxa ay ahaayeen kuwa si ugu soo laa laabtay Maamulada ka hana qaada Dalka

www.keydmedia.net