UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Shirkaasi aaney wax dan ah ugu Jirin Bulshada ku dhaqan Gobollada Jubbooyinka kaasi oo ay wataan Shaqsiyaad ay dowladda Kenya gadaal ka riixeyso isagoo uga digay in ay Joojiyaan Shirarka ay ka wadaan Magaalada Kismaayo ee Xaruna Gobolka Jubada Hooose.
Max’ed Cabdi Kaliil Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa waxa uu tilmaamay in isagu uu qorsheynayo Shir Weyne Maamul Goboleed Loogu Sameynayo Gobollada Jubbooyinka kaas oo uu sheegay in ay ka soo qayb gali doonaan dadka ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka isagoona Ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka soo qayb gasho shirkaasi oo uu sheegay in 25 Ka bishaan uu ka furmayo Magaalada Kismaayo.
Dhinaca Kale Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa dowladda Kenya waxa uu uga digay in ay Joojiso Shirarka ay ka wadaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose oo la sheegayo in 23 ka bishaan uu ka furmayo Shir la sheegay in Maamul Goboleed loogu Sameynayo Gobolladaasi.
Sikastaba ha ahaatee waxaa Maalmihii dambe soo baxayay Khilaafyo ka dhan ah Shir la sheegay in ay dowladda Kenya gadaal Ka riixeyso oo Maamul Goboleed loogu Sameynayo Gobollada Jubbooyinka.
Xigasho: Shabelle
Add comment
Comments